sabo
(m.dh)

1. Dabayl kulul oo xagaaga dhacda. 2. (-ooyin, m.l) Dhul kooban oo ceel ama guri ku wareegsan heelad.

sabo
(m.dh)

(juqr.) Degaan gaar ah oo uu noole ku noolaado, tusaale ahaan: balliyada, webiyada, ayda iwm.

sabo
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-btay, -batay)

1. (f.g) Cid wax dani ugu jirto, cid kale si ay u fuliso hadal ku qancin. 2. (f.mg) Degan, ceel, iwm agagaarkooda tuurid (xoolo).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sabo

ubaxley [m.dh (bot.)]
Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.

haawey [m.dh]
Dad sabool ah oo ku nool qaraab iyo wixii ay helaan.

yiciis [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad tabartoodu liidato saboolna ah.

alji [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-iyo, m.dh)
(baay.) Qayb badan oo ka duwan dhirta yar yar, hase yeeshee cagaariye leh (footoosintasis) cuntadiisa ku samaysan kara, kuna nool sabo biyood iyo dhulka saxansaxada leh. Geedkani waxa uu noqon karaa hal unugley ama unugyo badane. Isaga oo yeelan kara qaababkan: miiqaq, wareegsan ama saxan u eg. Aljiga hadda looma aqoonsana koox abla-ablayneed, inkastaoo mararka qaarkood la raaciyo noolayaasha hoose ee boqortooyada borotista. Inta badan haddaba, kooxaha boqortooyadan waxa loo aqoonsanyahay qaybaha abla-ablayneed.

baasaboor [m.l] (-rro, m.dh)
Dokumeenti sharciyeysan oo dalalka adduunka loogu kala gudbo; dalkumar. ld baasaboorto.

baasaboorto [m.dh]
ld baasaboor.

baryaddoon [m.l] (-nno, m.dh)
Qof sabool ah oo kaalmo raadsasho ku jiro.

beel [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Koox dabeeci ahaan sabo ku wada uuman, oo isugu jira sinjiyo dhir iyo xayawaanba leh.

berisabool [m.l]
Xilli ay dhibaato badan jirto.

casabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad wada dhalasho ka dhexeyso; xigto; ehelo; xigaalo; qaraabo; sokeeye.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg