sabool
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

S. ah: qof aad u xoolo yar.

sabool
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-oolay, -ooshay)

Qof sabool noqosho. ld saboolow.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sabool

haawey [m.dh]
Dad sabool ah oo ku nool qaraab iyo wixii ay helaan.

yiciis [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad tabartoodu liidato saboolna ah.

baryaddoon [m.l] (-nno, m.dh)
Qof sabool ah oo kaalmo raadsasho ku jiro.

berisabool [m.l]
Xilli ay dhibaato badan jirto.

dabakannaax [m.l] (-xyo, m.dh)
Qof busaarad iyo saboolnimo ku koray, oo waa dambe hodmay. ld dibkannaax.

dabakannaaxid [m.dh]
Hanti helidda qof saboolnimo ku koray. ld dibkannaaxid.

dafaar [m.l]
Qof sabool ah.

dhaqaalaxumaan [m.dh]
1. Dhaqaaladdarro. 2. Saboolnimo. ld dhaqaalaxumi, dha- qaalaxumo.

dibjir [m.l] (-rro, m.dh)
1. Qof sabool ah oo aan hoy uu u hoydo lahayn. 2. Kuray geela ilaaliya.

dunida saddexaad [m.dh]
Waaddamada Aasiya, Afrika, iyo Laatiin Ameerika ayaa laysku yiraahdaa waddamada d. s., waa waddamo aalaaba sabool ah.

sabo [m.dh]
1. Dabayl kulul oo xagaaga dhacda. 2. (-ooyin, m.l) Dhul kooban oo ceel ama guri ku wareegsan heelad.

sabo [m.dh]
(juqr.) Degaan gaar ah oo uu noole ku noolaado, tusaale ahaan: balliyada, webiyada, ayda iwm.

sabo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-btay, -batay)
1. (f.g) Cid wax dani ugu jirto, cid kale si ay u fuliso hadal ku qancin. 2. (f.mg) Degan, ceel, iwm agagaarkooda tuurid (xoolo).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg