sabuul
(m.l) (-llo, m.dh)

Dalagga firiga xubinta iniinaha badarku ku yaallaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sabuul

udaabtahays [m.dh]
Geed geedaha sabuulka leh ka mid ah; gowracato. ld ugaabdays. gowracato, ugaabdays

waago [m.dh]
Marka karoorka badarka la tumo ee maseggadu sabuulka ka baxdo dufalka soo hara.

ashaamid [m.l]
Busta madowga badan ee sabuulka maseggada ku dhalata, badarkana madowga ka dhigta.

baalgorayo [m.dh]
Marka meseggada ama gallaydu sabuul yeelan rabto.

baroor [m.dh]
1. Qaylo dheer cataw iyo ilmo leh oo ay haweenku sameeyaan marka ay dhibaato la kulmaan. 2. Meseggo aan bislaan oo sabuul ku taal.

barooro [m.dh]
1. Quwaaxa masaggada marka uu curdanka yahay ee aan la cuni karin. 2. Meseggo aan sabuulkeedii ku bislaan.

caarooti [m.l]
1. Cir cusub oo daruurihiisa biya ka buuxaan. 2. Meseggo, galley iwm oo sabuul saartay. 3. ld caarootiyid.

cankuqaad [m.l]
Geedka galleyda inta uusan sabuulka soo ridin ee uu dhinaca ka kuusanyahay.

dabsaar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Sabuulka isagoo aan bislaan oo weli curdan ah beerta laga gooyo, ka dibna inta god lagu guro la dubo. 2. Weel kasta oo dab la saaro.

dhay [m.dh]
1. Dh. ah: caano markaa la lisay oo aan weli suusacin. 2. Dh. ah: badar saafi ah oo sabuulkii laga sukulay. ld dhaay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg