sacab
(m.l) (-bbo, m.dh)

1. Gacanta dhankeeda hoose iyo faraha. 2. Sacabbada oo laysku dhufto. 3. Cayaar jaan iyo sacab leh oo habeenkii la cayaaro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sacab

baabbaco [m.dh]
1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab. 2. ld baabbacayn. Orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar qaado. baabbacayn, calaacal, sacab

jaamee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-meeyay, -maysay)
1. (f.g) Kab cid la dhicid. 2. (f.mg) Iyadoo cagaha iyo sacabbada laga shanqarinayo ciyaar dheelid. 3. (f.g) Jaamo ka dhigid: cad cad ka dhigid.

jaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.

raawi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Bir si ay u simanto garaacid. 2. (f.mg) Si isla helid ah sacab u tumid.

batar [m.l]
Nooc ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah jiib iyo sacab leh oo ay ragga iyo dumarku wada dheelaan.

beerrey [m.dh]
1. Nooc ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ka mid ah, oo leh jiib, jaan, sacab iyo biro la isku garaaco oo ragga iyo dumarku ay wada ciyaaraan. 2. ld beeraley.

cageyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Neef irmaan sacab ku maalid.

calaacal [m.dh] (-lo, m.l)
Gacanta dadka inteeda hoose ee cad; baabbaco; sacab.

dhaanto [m.dh]
Nooc cayaaraha dhaqanka ka mid ah oo leh jaan, sacab iyo or.

dhabannaano [m.dh] (-ooyin, m.l)
Si xoog leh oo cid sacab fidsan dhabanka looga dhufto.

sac [m.l] (-co, m.l)
Neef lo'ah, dheddig oo curtay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg