saco
(m.l)

1. Koox xiddigo ah, cadcad oo ku yaal lixaha iyo cadaadda agtooda, meel aan diillincaanoodda ka fogayn. 2. Koox lo'ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saco

lo' [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Naasley caws ku nool ah oo xoolaha la dhaqdo ka mid ah, leh geeso, sayn dheer, raafaf iyo tuur, lana manaafacaadsado caanaheeda, hilibkeeda, haraggeeda iwm. 2. Koox xiddigo ah oo si xiriir ah isu daba yaal; saco.

sacoobaan [m.l] (-nno, m.dh)
Kalluun dusha ka cagaaran oo badda ku nool. ld socoobaan.

socooban [m.l]
ld sacoobaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg