sadaq
(m.l) (-qyo, m.dh)

Gogol ulo yaryar, dhuudhuuban oo isku xirxiran ka samay-san.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sadaq

barakayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Hanti yar iimaansasho. 2. (f.g) Hanti yar tashiilasho. 3. (f.mg) Cid barako ka doonasho. 4. (f.mg) Sadaqo la bixid.

bixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel uu joogay ama yaallay ka saarid. 2. Wax sida musmaar qodax iwm meel uu ku mudnaa ka siibid. 3. Wax halis ka badbaadin. 4. Qof, wax uu hayey cid kale siin. 5. Dab iwm shidid. 6. Magac u b.: nafley, meel iwm magacsiin. 7. Wax u b.: qof dhintay wardi ama sadaqa u hibayn. 8. Isu b.: wax kala qoqoban isufurid. 10. Isu b.: laba qof tartansiin. 11. Kala b.: kala saar. ld bixi.

dago [m.dh]
1. Bilaha dayaxa ee muslinka tirsado tan ugu horreysa. 2. Sadaqo sharciga Islaamku ku waajibiyey hantida qofka muslim ah sannadkiiba mar. 3. D. ah: neef ari ah oo sadaqadaas loo bixiyo.

dhawrto [m.dh]
Deeq dad badan laga soo urursho oo sadaqo ahaan loo bixiyo.

fadiilad [m.dh]
Wax dar Ilaah lo bixiyo; sadaqo. ld fadiilo.

gerger [m.l]
1. Xoolo la siiyo qof tol ah oo baahan. 2. Wax sadaqo loo bixiyo; qurbaa.

kafaaro [m.dh]
(dii.) Wax Ilaah dartii loo sameeyo ama loo baxsho sida soon, sadaqo iwm oo gef ama dembi la falay daboola.

khalji [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Qoryo dhuudhuuban oo aqallada lagu dhiso ama bedemmada iwm lagu awdo ama lagu karo; sarab; sadaq.

madaxshub [m.l]
1. Sadaqo loo bixiyo qof haween ah oo dhintay. 2. Allabbari haweenku bixiyaan marka ay soo sid-dhaweeyaan; kuraysi; taraaraysi; sagaalaysi.

sad [m.l]
ld sed.

sad [m.l]
(daaw.) Qaddar daawo ah oo si taxadar leh loo qiyaasay takhtar u qoray in markiiba bukaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg