sadaqo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Wax Alle dartii loo baxsho. ld saddaqo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sadaqo

barakayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Hanti yar iimaansasho. 2. (f.g) Hanti yar tashiilasho. 3. (f.mg) Cid barako ka doonasho. 4. (f.mg) Sadaqo la bixid.

dago [m.dh]
1. Bilaha dayaxa ee muslinka tirsado tan ugu horreysa. 2. Sadaqo sharciga Islaamku ku waajibiyey hantida qofka muslim ah sannadkiiba mar. 3. D. ah: neef ari ah oo sadaqadaas loo bixiyo.

dhawrto [m.dh]
Deeq dad badan laga soo urursho oo sadaqo ahaan loo bixiyo.

fadiilad [m.dh]
Wax dar Ilaah lo bixiyo; sadaqo. ld fadiilo.

gerger [m.l]
1. Xoolo la siiyo qof tol ah oo baahan. 2. Wax sadaqo loo bixiyo; qurbaa.

kafaaro [m.dh]
(dii.) Wax Ilaah dartii loo sameeyo ama loo baxsho sida soon, sadaqo iwm oo gef ama dembi la falay daboola.

madaxshub [m.l]
1. Sadaqo loo bixiyo qof haween ah oo dhintay. 2. Allabbari haweenku bixiyaan marka ay soo sid-dhaweeyaan; kuraysi; taraaraysi; sagaalaysi.

saddaqo [m.dh] (-ooyin, m.l)
ld sadaqo.

sawaabi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ka s.: cid dhimatay sadaqo la bixiyay Ilaah in uu ajar ka siiyo u baryid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg