saddex-xagal
(m.l) (-llo, m.dh)

Shaxan saddex gees leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saddex-xagal

ahraam [m.dh]
(xis.) Adke salkiisu yahay geesoole iyo dhammaan wejiyada kalena ay yihiin saddex-xagallo wadaaga gees.

fansaar-tirigonometari [m.dh] (-rro ..., m.l)
(xis.) Fansaarro leh qiime maangal sida sin(x), cos(x) iyo tan(x) ee laga helo dheehashada qaar ka mid ah saamiyada dhinacyada saddex-xagal qumman.

saddex-xagal dhinacyo isle'eg [m.l]
(xis.) Saddex-xagal leh saddex dhinac oo isle'eg iyo xagal kasta oo ka mid ah xaglihiisuna cabbirkeedu dhanyahay 60°.

saddex-xagal isma le'eke [m.l]
(xis.) Saddex-xagalka dhammaan dhinacyadiisa iyo xaglihiisuba aan isle'ekeen.

saddex-xagal labaale [m.l]
(xis.) Saddex-xagal leh laba dhinac oo isle'eq iyo laba xaglood oo isleeq.

saddex-xagalley [m.l]
(xis.) Dariiqo sahamin ah oo la dhisayo shabaq saddex-xagallo ah, oo suurto geliya in lagu sawiro khariidad toobograafiyeed qiyaas weyn leh.

shakaal [m.l]
(xis.) Dhinaca ka soo horjeeda xagasha qumman ee saddex-xagal qumman. Saamiyada dhererka shakaalka iyo dhererrada dhinacyada kale waxa lagu adeegsadaa tirignoometerega si loo helo fansaarada saynka iyo koosaynka ee xaglaha.

shaxan joomitiri [m.l] (-nno ..., m.dh)
(xis.) Qaab ka samaysma isku xirka baro, xarriiqyo, xoodad ama dulo. Goobooyin, labajibbaaranayaal, saddex-xagallo waa shaxanno sallax ah. Kubbad, saddex jibbaarane, ahraam waa shaxanno adke ah.

tirigonometeri [m.l]
(xis.) Laanta xisaabta ee ku saabsan furfurista saddex-xagallada iyada oo la adeegsanaayo fansaarro tirignometiyeed. Waxa ay qiime aad waxtar leh u leedahay maadooyinka sida: injineeriya, nakhsha-daynta, sahminta badmaax, cilmifalag iwm, waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah: tirignometeriga sallaxa oo ku saabsan saddex-xagallo sallaxaha iyo tirignome-tiriga kubbadeed oo ku saabsan saddex-xagallo kubbadeed. Fansaarrada tirigo-nometeriyeed waxaay kaalin muhiim ah ka qaataan saafidda waxaana loo adeegsadaa in lagu muujiyo birar iyo finoomino.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg