saddexaad
(m.dh.t.j)

Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma saddexda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saddexaad

c [m.dh]
(ca') Xarafka saddexaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

kaaliyam [m.l]
(kiim.) Summad : K. Bir firfircoon oo jilicsan. Waa midda saddexaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka); bar-dhalaashan: 63.7° C; bar-karid: 756° C; cufnaan beegan: 0.86; tiro borotoon: 19; cuf-atameed:39.09.

kaalsiyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù

maan [m.dh]
1. Maalinta la joogo. 2. M.ta: beriga. 3. M.ta layl: maalinta oo idil. 4. M.tii saddexaad: maalintii saddexaad. 5. M.tii hore: maalmihii la soo dhaafay. ld maantay.

uu [mu.dhm.y]
Magacuyaal tilmaamaya qofka saddexaad ee kelida lab ah (kan laga hadlayo). Tus. “Wuxuu rabaa inuu wax ka barto”

waagii senosayka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waqtiga saddexaad ee waayaha jiyoolojiyada; waxaana lagu asteeyaa billowgii naafleyda nasleyda ah; waagani wuxuu ku xigay oo ka dambeeyay kambiriyan-ka-horreeye.

alluumiiniyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, waana curiyaha labaad ee ururka (III) ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Wuxuu leeyahay ratibaadda elektaroonnada ee niyuun iyo saddex elektaroon oo dheeraad ah oo ku jira heertamarka ugu sarreeya. Alluumiiniyantu waxay ku jirtaa macadanno badan; waa curiyaha ugu caansan biraha ku jira oogada dhulka, waana ka saddexaad xagga badnaanta.

ATP [m.dh]
(kiim.) Iskudhis orgaanika ah oo ka kooban adaniin ribows iyo saddex kooxood oo foosfeyt aan orgaanik ahayn. ATP-du waa niyukliyotaydh. Waxaanay mas'uul ka tahay inay tamarta si ku meel gaadh ah u keydiso intay socoto neefsashada unuggu. Waxay ka samaysantay ADP lagu daray foosfeyt saddexaad taas oo keydisa tamar soona saarta marka looga baahdo dariiqad kale oo dheef samayneed.

ayoonisfeer [m.l]
(fiis.) Gibilka saddexaad ee xiga istaratosfeerka fidsan ilaa 1,000 km. Gibilkani, waxa uu leeyahay afar lakab, oo neefaha ku jiraa ay yihiin aysonno. Taasi waxa ay inoo fududeysaa isgaarsiinta iyo baahinta wararka.

berridambe [m.dh]
Maalinta markaas la joogo ayaanteeda saddexaad oo soo socota; saaddambe.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg