saddexan
(m.l)

1. Nafley dheddig iyo labadeeda cunug oo wada jira. 2. Koox ka kooban saddex cunsur.

saddexan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-xnaa, -xnayd)

Dheddig wax laba ilmood leh ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saddexan

kodhon [m.l] (-no, m.dh)
(baay.) Beys naytaroojin saddexan ah oo ku jira molikiyuulka DNA ama ka RNA da, taasi oo taxda amiino asiidh gaar ah xilliga samaynta borotiinka ku jira unugga.

saddexanyo [m.dh]
1. Nooc cawska ka mid ah. 2. Hub laba waran iyo gaashaan ka kooban.

saddexnaan [m.f.dh]
eeg saddexan². ld saddexnaansho.

saddex [m.dh.t]
Tirada labada iyo afarta u dhexeysa; “3”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg