saf
(m.l) (-faf, m.l)Wax badan is wada barbar taagan, aan kala horreyn kalana dambayn; sarac.
saf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)Wax saf gelin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saf ↴
oomane-u-eke [m.l] (-yaal, m.l/dh)
(juqr.) Ereyo loo istiicmalo cimilada iyo deegaanta siday u kala horeeyaan gobollada cidhifyada lamadegaannada halkaasoo roob sannadeedku in yar badanyahay deegaantuna xoogaa ka filiqsantahay meelaha ku xiga, sida lamadegaanka kulul iyo safaanaha dhexdooda.
qaafilo [m.dh]
Awr badan oo safar ah.
saad [m.l]
1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj.
saafir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Meel safar u aadid.
waalo [m.dh]
Cayaar cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, raggu cayaaro oo labo saf oo iska soo horjeeda, tira isla egna ah, iyadoo jilbajabsan gacmahana lagu cayaaro hees iyo jiibna leh; hellem.
xalli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Nafley ama dad si saf ballaaran ah u socosho.
ambabbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof socdaal gelaya waxa uu u baahanyahay siin. 2. Cid safraysa sagootiyid. 3. Xoolo foofaya agaasimid.
arah [m.l]
1. A. ah: tiro dad ah oo u safray in ay soo gurtaan miro, xabag, caws iwm. 2. ld arahid. ld arahid.
arah [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rhay, -rahday; -rhi)
Dad in ay soo gurtaan qaraab miro, xabag, caws iwm u safrid; arahdoon. ld arahdoon².
badmar [m.l] (-rro, m.dh)
Qof safarro badeed oo badan ka qeybgalay. ld badmareen.
s [m.dh]
(sa') Xarafka siddeed iyo tobnaad ee
alifka soomaaliga, waana shibbane.