safan
(m.l)

Dildillaac dadka kaga dhaca cagaha oo qabowga iyo kulaylku keenaan. ld hilibsafan.

safan
(m.dh)

(c.nafl.) Nafley badda ku jirta oo jirkeedu ka koobanyahay labo baal oo balballaaran madax yar iyo dabo sida xarigga u dhuuban oo qodxo ku tagtaaganyihiin, waxayna u egtahay sammiir yar.

safan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-fnaa, -fnayd)

Wax si saf ah u taagan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh safan

dabacadde [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
1. ld dabcaddeeye. Bahal yar, xoorta le'eg, leh daba dheer oo foodda ka cad oo digaagga laaya. 2. Bahal safanta badda la jaad ah, kase weyn; ganacsi buu galaa oo waa la dhoofiyaa.

dheecaan-gaastarig [m.l]
(dhecaanno ..., m.dh) (c.nafl.) Iskujir asiidhan oo ka kooban cusbooyin aan orgaanik ahayn, haydarookoloorik asiidh, iyo insaymyo dheefshiid. Tusaale ahaan: bebsin, oo ay soo saaraan qanjidho ku safan calooshu.

dhuux [m.l]
1. Sooh baruurta u eg oo xididdo yaryari ku safanyihiin oo lafaha dheerdheer ku dhex jira oogada nafley. 2. Lafta geedaha walax yar oo jilicsan oo ku dhex jira. 3. Togga calooshiisa biyuhu maraan.

hilibsafan [m.l] (-nno, m.dh)
Dildillaac cirbaha dadka yeeshaan. ld safan.

hore [Falkaab | Adverb]
Wax safan ama socda caaradkooda ku sugan; horreeya. ld horay¹.

jeegaan [m.dh] (-nno, m.dh)
Midabyo dhawr ah oo si is kor saar ah u safan oo qaab qaanso leh oo ku samaysma daruurta marka uu roob da'ayo; qaansaroobaad.

rigaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Ciidan wax meel ku safan ahaansho.

saf [m.l] (-faf, m.l)
Wax badan is wada barbar taagan, aan kala horreyn kalana dambayn; sarac.

saf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Wax saf gelin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg