safar
(m.l)

1. Socdaal. 2. Dad gaadiid wata oo arrin ganacsi magaalo u aaday.

safar
(m.dh)

Bilaha dayaxa lagu xisaabo too-da labaad.

safar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fray, -fartay; -fri)

1. Meel ka socdaalid. 2. Iyadoo meel ganacsi loo aadayo meel ka tegid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh safar

qaafilo [m.dh]
Awr badan oo safar ah.

saad [m.l]
1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj.

saafir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Meel safar u aadid.

badmar [m.l] (-rro, m.dh)
Qof safarro badeed oo badan ka qeybgalay. ld badmareen.

baqaal [m.l] (-llo, m.dh)
Doonyaha safarrada dhaadheer gala tan ugu weyn oo qaadi karta kun jawaan iyo ka badan. ld baqaalad, baqlad.

beridhaxmo [m.dh]
1. Sahay ku filan hal beri oo safar ah. 2. ld beridhax.

ceshiimee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -meysay)
1. Hanti la dhacay ama baadi ah ciddii lahayd u celin. 2. Safar bixiddiisa dib u dhigid. 3. Dhul in la daaqo, in mudda ah u diidid. ld ceshiinee, cishiinee.

geshiinee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-neeyay, -naysay)
Ku g.: meel habeen ku dhixid marka safar dheer lagu jir.

geshiino [m.dh]
Dhixidda safar meel habeen ku dhex.

gool [m.l] (-lal, m.l)
1. Ciyaarta godadowga afar xabbadood oo isku god ku jira. 2. Awr buuran. 3. Waraaqaha maraakiibta iyo dayaaradaha ay u adeegsadaan safarra- dooda.

saf [m.l] (-faf, m.l)
Wax badan is wada barbar taagan, aan kala horreyn kalana dambayn; sarac.

saf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Wax saf gelin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg