safmar
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

S. ah: cudur dad ama xoolo badan mar ku wada dhaca.

safmar
(m.l) (-rro, m.dh)

(daaw.) Cudur si kedis ah u dillaaca oo si dhakhso leh ugu fida dadka dhexdiisa isagoo saameynaya qayb badan ee dadka ka mid ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh safmar

dilaa [m.l]
1. Qof ama bahal aad wax u laaya. 2. Cudur nafleyda safmar u dila. ld dile.

jadeeco [m.dh]
(daaw.) Cudur aad la isu qaadsiiyo oo uu keeno fiirus, wuxuu u badanyahay in uu ku dhaco carruurta, labadii sano ama saddexdii sano mar ayuu noqdaa safmar. Astaamo: calaamadaha dureyga oo ay weheliso qandho aad u sarreysa baro yaryar oo cas-cas oo dhexda caddaan ku leh (balihii Koblik) iyo canka gudihiisa ka soo baxa. Finan cascas ayaa ka soo baxa marka hore dhegaha xaggooda dambe, wajiga iyo jirka oo dhan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg