sagaal
(m.l.t.)

Tirada siddeedda iyo tobanka u dhexeysa; “9”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sagaal

i [m.dh]
(i') Xarafka sagaalaad ee alifka soomalida.

t [m.dh]
(ta') Xarafka sagaal iyo tobnaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.

barqaqabow [m.l]
Toddobada subaxnimo ilaa sagaalka ama subaxnimada inta qorraxdu ayan kululaan.

bil [m.dh] (-lo, m.l)
1. Laba iyo tobanka qaybood ee sanadka middood oo ah sagaal iyo labaatan ama soddon beri. 2. Marka dayaxu aanu dhammays ahayn. 3. Calaamad qaab dayax billow ah u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. Bisha cas: urur caalami ah, oo dalal islaanku maalgeliyaan oo u qeybsan daryeelka ama samafalka dadka oo ay astaan u tahay dayax billaw ah oo cas.

caweysindambe [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Xilliga u dhexeeya sagaalka ilaa tobanka fiidnimo.

caweysinhoraad [m.dh]
Xilliga u dhexeeya siddeedda fiidnimo ilaa sagaalka.

dalqo [m.dh]
(c.nafl.) Xubinta codku ka sameysmo, hawadana sambabada ayay ku duwda, waxay ku taal hunguriga cad dushiisa, waxay ka sameysantahay sagaal carjowood oo ay isu hayaan seedo iyo muruqyo xuub gaduudan ayaa ku dadan, waxa ku dhexyaal laba joog o xargaha codka ah oo sameeya codka. ld dalqe.

dhul-duniyeed [m.l]
(c.fal.) Midka shanaad sagaalka meere qorraxeed marka la fiirsho xagga baaxadda ama weynaanta, isla markaas waa midka saddexaad marka la fiirsho ka fogaanta qorraxda. Oogada dhulka ee adag ee xagga usha ah waxaa loo yaqaan litosfeer, waxaana qayb weyn oo ka mid ah daboola biyoolayda dhulka, waxaana ku gedfan neefo loo yaqaan gibilka.

khamaas [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Kh. ah: bil labaatan iyo sagaal ku dhammaata; toomman.

kumaad [m.l.t]
Derajada sagaal boqol sagaashan iyo sagaal ka hooseyso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg