sagaaro
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Nooc ugaarta yaryar ka mid ah, dhawr jaad u kala baxda oo keeda lab geeso leeyahay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sagaaro

yuf [m.l]
Ari, sagaaro iwm dhogor kicidda haleesha marka cabsi la soo gudboonaato.

dirirsagaaro [m.dh]
Bartamaha guga. ld dirir (2).

jilliin-sagaaro [m.l]
Ilmaha sagaarada (lab dheddigba); jiis.

sagaaromuri [m.dh] (-iyaal, m.l/dh)
Nooc sagaarada ka mid ah kana yara waaweyn oo leh midab ciiromadow xigeen ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg