saxan
(m.l) (-nno/suxuun, m.dh)

1. Weel dhoob ama macdan iwm ka samaysan oo yara godan cuntadana lagu cuno. 2. Shay yar, fidsan, wareegsan oo heeso iwm ku duubanyihiin. ld sixni.

saxan
(m.l)

(jool.) Bedka guud ee biyo shubka u ah webi iyo laagihiis.

saxan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-xnaa, -xnayd)

Wax la saxay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saxan

baaf [m.l] (-faf, m.l)
Weel weyn oo bir ah una sameysan sida saxan oo dharka lagu dhaqo.

xagal [m.dh] (-glo, m.l/-llo, m.dh)
(xis.) Saxan ka samayma ratibaadda laba xarriigood (dhinacyo ama gacmo) oo ku kulma bar lagu magacaabo geeska xagasha. Halbeegga waa darajo ama gacansin.

abasaxan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld abasaxsan.

absaxan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Waalid, isir, ab.

alji [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-iyo, m.dh)
(baay.) Qayb badan oo ka duwan dhirta yar yar, hase yeeshee cagaariye leh (footoosintasis) cuntadiisa ku samaysan kara, kuna nool sabo biyood iyo dhulka saxansaxada leh. Geedkani waxa uu noqon karaa hal unugley ama unugyo badane. Isaga oo yeelan kara qaababkan: miiqaq, wareegsan ama saxan u eg. Aljiga hadda looma aqoonsana koox abla-ablayneed, inkastaoo mararka qaarkood la raaciyo noolayaasha hoose ee boqortooyada borotista. Inta badan haddaba, kooxaha boqortooyadan waxa loo aqoonsanyahay qaybaha abla-ablayneed.

badeecad [m.dh] (-do, m.l)
1. ld badeeco. Alaab loogu talagalay in laga ganacsado. 2. Jalxad dhuun dheer oo bir ah oo lagu nuugo qaaca ka dhasha tubaakada ay dhuxushu shiddo ee ku jirta saxanka afkeeda daboola.

badrad [m.dh] (-do, m.l)
1. Kibir iyo aabi badan. 2. Saxan dheer oo bir ka samaysan oo rootiga lagu safo marka la dubayo.

cagaarside [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(baay.) Cagaarside laga helo unugyada dhirta waaweyn iyo aljiga. Marka laga reebo cagaar-buluugga ah dhirta waaweyn C.duhu wuu wareegsanyahay sida saxanka oo kale, laakiin ka aljigu wuu muuqaalo badanyahay.

galangal [m.l]
Dabayl qabow oo ka soo horreysa roobka; saxansaxo.

kafad [m.dh] (-do, m.l)
1. Saxanka miisaanka. 2. Qoriga doonta lagu wado afka hore ee ballaaran. 3. Dembiisha weyn ee fooxa. ld kefed.

sax [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
S. ah: wax aan qalad ahayn.

sax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
Wax qalad ka bixin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg