su'
(m.dh)

1. Erey lagu yiraahdo awrka marka la raraayo si uu araxda u toosiyo; samay; qayso. 2. Erey lagu yiraahdo awrka la da-brayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh su'

ma [qr.we]
1. Qurub tilmaama in ay su'aali saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”. 2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid qofkaa?”.

barashada cilmiyadii hore [m.dh]
(taar.) Barashada su'aalaha caamka ah, laga bilaabo far qoriddii hore, iyo barashada Kirishtaannimada, sidii ay sameeyeen Yurub qarnigii 9aad ilaa kii 17aad.

calaamatu-su'aal [m.dh] (-llo, m.dh)
Astaan weyddiineed.

isu'eg [m.l] (-gyo, m.dh)
(xis.) Laba ama dhowr shaxan oo u kala duwan iskeel ahaan, hase yeeshee qaab ahaan aan u kala duwaneyn. Laba shaxan joometeri waa ay isu egyihiin haddii midkood uu yahay kan kale oo la weyneeyay. Geesooleyaasha isu'eg waxa ay leeyihiin xaglo gudboon oo isle'eg iyo dhinacyo isku aaddan oo saamiggal isu ah.

masalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Arrin la yaab leh. 2. Xisaab leh siin oo la raadinayo natiijadeedii iyadoo la adeegsanayo jidad iyo xeerar u gaar ah. 3. Su'aal cilmi kudhisan. ld mas'alo.

miyaa [qr.we >]
Qurub tilmaamaya in ay su'aali saaran tahay ereyga ama weerta uu weheliyo. Tus. “Wiilasha miyaa yimid?”, “Miyuu Cali yimid?”, “Miyuusan Cali imaanayn?”.

munkar [m.l]
1. (dii.) Magac guud oo kulmiya falalka Eebbe addoomihiisa ka xaaraantiimeeyey oo dhan. 2. (dii.) Labada malag ee dadka dhinta qabriga wax ku su'aala midka aan Nakiir ahayn.

su' [m.dh]
1. Erey lagu yiraahdo awrka marka la raraayo si uu araxda u toosiyo; samay; qayso. 2. Erey lagu yiraahdo awrka la da-brayo.

su'aal [m.dh] (-lo, m.l)
Hadal cid loo jeediyo si jawaab qusaysa wayddiinta looga helo. su'aal² lg1 (-aalay, -aashay) Si jawaab looga helo cid weyddiin u jeedin.

su'aalid [m.f.dh]
eeg su'aal².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg