subag
(m.l)

1. Burcad la shiilay caaneeyada laga saaray miidda ka soo harta. 2. Baruurta la shiilo miidda ka soo baxda oo aan fariisan.

subag
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bkay, -bagtay; -bki)

Wax subag marin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh subag

saaf [m.l]
1. S. ah: hilib jiir ah oo la balballaariyey oo subag ama saliid lagu shiilay lana kaydiyey. 2. ld saafid.

tabatabbo [m.dh]
Weel baaquli u eg oo ka samaysan argeeg, dushana aleel looga sharxay oo subagga, oodkaca iwm lagu shubto.

xalwad [m.dh]
Cunto macaan oo laga sameeyo sankor, subag, warango, bur iwm oo la cuno.

bax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.

bun [m.l]
1. Geed dhulka kulul ka baxa, dhala miro kuuskuusan oo beer iyo qolof adag leh. 2. Miraha geed bunka oo laga sameeyo qaxwaha, kafee. 3. Miraha bunka oo saliid ma subag lagu shiilay.

bunayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Bun la shiilay cunid. 2. Saliid ama subag bun lagu shiilay marsasho.

burbur [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-rro, m.dh)
1. Cadad yaryar oo wax is haystay u kala jajabo. 2. Caano la lulay oo aan weli subag dhalin. ld burur¹ (2).

cagaari [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax cagaar ka dhigid. 2. (f.mg) Caano la lulayo dhibcihii ugu horreeyey oo subagga ahaa bilaabid.

ciir [m.dh]
Caano subaggii laga baxshay oo dhanaan.

collob [m.dh]
1. Hilib si yaryar oo oodkaca ka waaweyn loo jaro oo subag lagu shiilay ku jira. 2. Oodkac. ld coldhob, locob.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg