subax
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-xyo, m.dh)

Qaybta ugu horreysa maalinta gelinkeeda hore.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh subax

waa [m.l] (-aayo, m.l)
1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli; waqti; jeer; goor. arooryo, jeer, goor, subax, waqti, xilli

oog [m.dh] (-go, m.l)
1. Subaxnimo. 2. Dab weyn oo sida badan loo shido in la isaga digo colaad. 3. Calaamad cad oo ay lo'da qaarkeed wejiga ku yeelato.

saaka [Falkaab | Adverb]
Maalinta la joogo subaxeeda. ld saakay.

afbilaw [m.l]
Cuntada ugu horreysa ee subaxdii la cuno; quraac.

bariidi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid, subax bariido ugu tegid. 2. Cid, salaan ugu tegid.

barjimo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -oofay)
Ari subax xero ku daahid.

baro [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. (f.g) Aqoon kororsasho. 2. U b.: wax caado ka yeelasho. Tus. “Cali in uu subax walba canjeero cuno ayuu u bartay”.

barqaqabow [m.l]
Toddobada subaxnimo ilaa sagaalka ama subaxnimada inta qorraxdu ayan kululaan.

barqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xoolo inta aan la maalin subaxii daajin.

barqo [m.dh]
Waqtiga u dhaxeeya subaxda iyo harka. ld barqimo, barqin¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg