sukulo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-ushay, -ulatay)

1. Wax sukuliye ku tumasho. 2. Badar si isha looga bixiyo aayar u tumasho. 3. Digir duban qob ka qaadasho. ld shukulo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sukulo

shukulo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ushay, -ulatay)
ld sukulo.

sukulasho [m.f.dh]
eeg sukulo. ld shukulasho.

sukuliye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Tib weyn oo badarka lagu sukulo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg