suldaan
(m.l) (-nno, m.dh)

Nin dhaxaltooyo ahaan dawlad ama qolo madax ugu ah, oo aan la dooran; boqor.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suldaan

ammiir [m.l] (-rro, m.dh)
Taliye; madax qoon; suldaan. ld amiir² (2).

suldaannimo [m.dh]
Suldaan ahaansho.

suldanad [m.dh]
(siyaa.) Meel uu xukumo, ama xukumi jirey suldaan. Waxaa aad looga isticmalaa dhulka Islaamka. ld saldanad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg