sulub
(m.l)

1. S. ah: wax aan xanaf lahayn. 2. (-byo, m.dh) Dhagax adag oo aan meel la qabsado lahayn. 3. (-byo, m.dh) Xabbadda marka laga saaro gumaca iyo baaruudda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sulub

xaadso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Ul, qori iwm sulub ka dhigasho.

birsulub [m.dh]
ld birlab.

murgux [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
M. ah: wax adag, gaaban oo kor sulub ah leh oo faraha ka siibta.

qallafsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax aan jilicsaneyn ahaansho. 2. Wax aan sulub ahayn ahaansho. 3. Wax aan sahlanayn ahaansho. 4. Qof dabeecad adag oo aan soo loodsamin ahaansho.

qashir [m.l]
1. Qayb ka mid ah qaybaha xabbadda badanaa ka samaysan maar, leh qaabka dhululubada, oo ay ku dhex jirto baaruud, afka horena ku wadata sulub. 2. Gufarka caleenta shaaha ama bunka oo weelka salkiisa ku hara. ld gashir, qashar.

ruqur [m.dh] (-qro, m.l)
1. Cad yar oo hilib ah oo ku yaalla daloolka dhegta hortiisa. 2. Wax yar oo ka soo yuubo meel sulub ah.

suubaan [m.l] (-nno, m.dh)
Dhagax sulub ah oo aan xanaf lahayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg