sumcad
(m.dh)

Magac iyo sharaf laga kasbado bulshada dhexdeeda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sumcad

dhegxumi [m.dh]
1. Sumcad aan wanaagsaneyn oo cidi yeelato. 2. Ceeb. ld dhegxumaan.

dhegxun [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-umaa, -umayd)
Cid aan sumcad lahayn ahaansho.

magacdarree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -reysay)
Cid sumcaddeeda xumeyn.

marwo [m.dh]
1. Haweeney la qabo oo sumcad fiican ku leh dadka dhexdiisa; gaari. 2. Haweenay. 3. ld murwo (2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg