sun
(m.dh)

Maaddo haddii ay jirka nafleyda gasho ama oogada gaarto loo dhinto ama lala bukoon karo; waabaayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sun

waabaayo [m.dh]
Dhacaan laga helo geedka waabay oo haddii wax yar laga, cabbo ama si kale oogada u gaarana loo dhinto ama bukoodo; sun; mariid. ld waabaay, waabay². waabaay, waabay, sun, mariid

saaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Dhir geedo kale ku faalalid. 2. Xanuun, sun iwm jirka ku fidid. 3. Ur dareemid.

waddac [m.l]
1. Lix beri oo sunno ah oo laga soomo bisha soonfur. 2. ld waddacid.

abris [m.l] (-syo, m.dh)
Halaq madow oo gaaban oo waabaayo halis ah leh, oo afka iyo dabada wax ku qaniina inta badanna aan suntiisa laga kicin.

alif [m.l] (-fyo, m.dh)
1. Xarafka ugu horreeya farta Carabiga. 2. Alifba'. 3. Astaan alifka u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. (alfaan, m.dh) Darajo la siiyo sarkaalxigeenka.

bacaroor [m.dh]
Geed nagaar leh buruq sun ah iyo caleemo balballaaran oo geelu daaqo; balalo.

bahalhoosaad [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Xamaaratada iyo cayayaanka intooda sunta leh ama qaabkooda laga cabsado ee habeenkii socda. ld bahalhoose.

beer holac [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka beerka oo uu keeno fiirus, sun ama difaac jireed oo aan cadi ahayn.

beeryaro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.

bensiin [m.l]
(kiim.) Haydarokaarboon hoor ah oo midablaawe ah, ur gaar ahna leh. B.tu waa iskudhis sun ah; uumigeeduna wuxuu keena waxyeello haddii isdabajoog loo neef qaato. ld baansiin.

s [m.dh]
(sa') Xarafka siddeed iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg