surmo
(m.dh)

1. Qaab awrta qooqani u dagallamaan oo ah luqun isku marid iyo qaniinyo; daro. 2. (-ooyin, ml.) Dhiil yar oo caanaha lagu shubto. 3. ld surin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh surmo

surin [m.l] (-nno, m.dh)
Marin ciriiriyon ama yer. ld surmo (3), surun.

sur [m.l] (-rar, m.l)
Luqun; qoor.

sur [m.dh]
Malabka dhurduhu sameeyo.

sur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax siddo leh meel ka soo laalaadin. 2. Isa s.: laba shay siddooyinkooda is dhexgelin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg