suro
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-rtay, -ratay)

Wax meel ka soo laalaadsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suro

qaaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iwm inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.

taaj [m.l] (-jaj, m.l)
Qalab qaab koofiyadeed leh oo dahab, lacag iwm ka samaysan oo boqorrada madaxa loo suro.

udubdhexaad [m.l] (-do/-dyo, m.dh)
Udub dheer oo aqlka dhexdiisa la suro si uu u adkeeyo dhismaha aqalka.

beynaad [m.dh] (-do, m.l)
Bir mindida u eg oo labada dhinac af ku leh oo buntukha afkiisa la suro.

dabaggelis [m.l] (-syo, m.dh)
Suun ama xarig xoolaha la rarto dabada loo suro si uusan rarku hore ugu dhicin.

jookh [m.l]
1. Nooc cimaamaadaha ka mid ah oo ragga madaxda ah iyo wadaaddadu madaxa ku duuban jireen. 2. Dhogor ama dun la midabeeyey oo fardaha madaxa loo suro qurux awgeed.

keeno [m.dh] (-ooyin, m.l)
Siriq hoggaanka loo yeelo oo geela inta gafuurka loo suro lagu wado.

kullaab [m.dh] (-bo, m.l)
1. Gan qaroofsan oo wixii culus la suro oo kor loogu qaado. 2. Nooc ka mid ah tarashka maryaha dacalladooda lagu sameeyo oo sawirro leh.

lacaaf [m.dh] (-fyo, m.l)
1. Hilib yar oo la suro jilibka oo kalluunku soo raaco. 2. Wax kasta oo lagu soo jiito wax la ugaarsanayo; callaal. ld callaaf.

marawaxad [m.dh] (-do, m.l)
1. Qalab bir, caag iwm ah oo koronto ku shaqeeya, wareegsado oo guriyaha la suro ama meel la saaro oo neecaaw qabow keena. 2. Babbis. 3. Qufac isdabajoog ah; riiraxiyo. ld marawaxo, marwaxad, marwaxo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg