suryo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Wadiiqo yar oo ciriiri ah. 2. Qaab loo qoolo xargaha oo leh siriq isku roorta oo xoolaha toojada ah lagu qabto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suryo

suryaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Xarig, wax suryo loo yeelay ahaansho.

suryee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
Xarig suryo u yeelid.

sur [m.l] (-rar, m.l)
Luqun; qoor.

sur [m.dh]
Malabka dhurduhu sameeyo.

sur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax siddo leh meel ka soo laalaadin. 2. Isa s.: laba shay siddooyinkooda is dhexgelin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg