susun
(m.dh)

Tax tiro ah oo midba kan ka horreeya ka badantahay ama ka yartahay tirooyin isla eg.

susun
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-umay, -untay)

ld sunsun.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh susun

dareerin [m.dh] (xis.)
Wadarta tibxaha ee susun. Guud ahaan, waa tibaax leh sansaanka ah x1 + x2 + x3 + x4 +... taas oo x1 ay yihiin tirooyin maanagal ah ama murakab ah (series).

dareerin-aritmatig [m.dh] (xis.)
D. tibxaheedu ay sammeeyaan susun aritmatig.

dareerin-koobane [m.dh] (-nayaal, m.l/dh)
(xis.) D. tirada tibxaheedu ay koobanyihiin ama ay jirto tibix susuntu ay ku dhammaato.

dareerin-makoobane [m.dh] (-nayaal, m.l/dh)
(xis.) D. tirada tibxaheedu ay yihiin makoobane ama aan jirin jibix ay susuntu ku dhammaato.

dood [m.dh] (-do, m.l)
1. (xis.) Marka laga hadlayo loojig, waa susun hawraaro ama weedho ah oo ka bilaabanta urur qaadashooyin ah kuna dhammaata go'aan. 2. (xis.) Urur hawraaro ama weedho ah oo loo yaqaan afeef iyo hawraar lagu soo gooyay oo loo yaqaan go'aan.

iskayl heerkul [m.l] (-llo ..., m.dh)
(fiis.) Susunka qiimayaasha ee u taagan heerkul. Susunka noocani ah waxa la helaa, sida badan, in la doorto labo barood oo maguuraan ah; taas oo inta u dhexeyso loo qaybiyo qayb-hoosaadyo ku salaysan hab laysku raacay. Tusaale ahaan iskaylka Selsiyas waxa uu leeyahay 9 qaybood oo u dhexeeya (0° C) barta dhalaashanka ee biyaha iyo (100° C) oo ah barta karka ee biyaha.

susun aritmatig [m.l] (-sumo ..., m.l)
(xis.) Sunsun faraqa u dhexeya tibix kasta iyo tan ka horreysa uu yahay madoorsoome. Faraqa madoorsoomaha ah waxaa lagu magacaabaa faraqa ay wadagaan. Jidka lagu helo tibixda n-aad ee sunsun aritmatig waa: an = a1 + (n-l)d, taas oo a1 ay tahay tibixda kowaad ee sunsunta, d-na tahay faraqa.

susun joometeri [m.l]
(xis.) Susun saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horreysa madoorsoomaha ah waxaa lagu magacaabaa saamiga ay wadaagaan. Dansaanka susun joometeri waa sidan: a, ar, ar2, a3, a4,..., an taas oo r ay tahay saamiga ay wadaagaan, a-na tibixda koowaad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg