suubaan
(m.l) (-nno, m.dh)

Dhagax sulub ah oo aan xanaf lahayn.

suubaan
(m.dh)

1. Dhul bannaan oo ciid guduudan oo carro san ah leh oo caws ka baxo. 2. Nooc qorratada ka mid ah oo ku nool dhulalka cadduunka ah. 3. Miraha goosayga iwm oo bisil marka ay wax yar dharaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suubaan

laagfaaf [m.l] (-fyo, m.dh)
(juqr.) Farac ka baxa oo ka taga webiga intiisa mudan oo aan mar dambe ku soo noqon oo biyaha uu sido ku dara badda ama haro. Waxaa lagu isticmaalaa keliyada badan ee webiga afkiisa ee loo yaqaan delta ama marawaxad suubaaneed.

diric [m.l]
1. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo dusheeda timirta lagu waro si ay suubaan u noqoto. 2. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan, oo marka aroos loo damaashaadayo, wiilka iyo gabadha arooska ah dusha laga saaro dadkuna hoos uga cayaaro.

quruurux-bataax [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(jool.) Dhadhaab-lakabeed habe ah oo ka kooban xabiib bataax ah oo ay isu hayaan waxyaalo ay ka mid yihiin nuurad (calcium carbonate) ama suubaan (silca).

suubaan marawaxadeed [m.l]
(jool.) Tuuridda burburka dhagxaanta ee ka dhasha webi ama farac si degdegsan u qulqulaya. Suubaan marawaxadeed wuxuu caan ku yahay gobollada oomanaha ah waayo waxa jira fatahyo webi oo ka dhasha aago ka soo dega buuraha iyo iyaga oo gura waqtiyada oomanaha; waxayna suurageliyaan samayska suuban marawaxadeed.

suubaansalaax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
Cid sasabid. ld suubasalaax.

suubaansalaaxid [m.f.dh]
eeg suubaansalaax. ld suubasalaaxid.

suubasalaax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
ld suubaan-salaax.

suubasalaaxid [m.dh]
ld suubaansalaaxid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg