suuf
(m.l)

1. Geedgaab ka mid ah dalagga lagu beero dhulalka kulul oo ubax cad iyo miro kulkulucsan oo marka ay bislaadaan dillaaca leh oo uu ka soo baxo walax cad oo dharka laga sameeyo. 2. Duf cad oo geedka suufku dhalo oo dharka laga sameeyo. 3. Dhogorta idaha iwm oo dharka iyo gogosha qaarkeed laga sameeyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suuf

saalimow [m.l]
Hangool yar oo gadaal farraarro dhawr ah ku leh oo madow, loona subko oo suufiyada qaarkood qaataan.

cabbee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
1. Jawaan, sanduuq iwm suuf, dhar iwm ku cidid. 2. Buntukh dhuunta xabbad u dhigid si ay dhicid diyaar ugu noqoto.

cudbi [m.l]
Bul jilicsan, cad, loo isticmaalo siyaabo badan, dharkana laga samaysto oo uu dhalo geed ka baxa kulaylaha; suuf.

faylasuuf [m.l] (-fyo, m.dh)
Nin cilmiga falsafada yaqaan.

fuwo [m.l]
1. Xidid asalkiisa lagu rinjiyo cawda. 2. Dhar aan xariir iyo suuf midna ahayn oo tayadiisu xuntahay. 3. ld fawo.

maraykaan [m.dh]
Dhar cad, suuf ah, adag oo reer miyigu qaataan.

miiq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Suuf dun ka samayn. 2. Dun iwm caarad dhuuban u yeelid.

sharabaad [m.l]
Hu'ka samaysan nayloon, cudbi, suuf iwm oo cagaha la gashado, kabahana layska xijiyo; kaalso. ld sharabaaddo.

shukumaan [m.l] (-nno, m.dh)
Maro duf leh oo badanaa suuf ka samaysan oo biyaha laysaga tirtiro.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg