suugaan
(m.dh)

1. Hadal tix ama tiraab ah oo murti hugan. 2. Laan aqoonta ka mid ah oo la barto; adab. 3. Naq; doog; cosob. ld soogaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suugaan

xallad [m.dh]
Qurxinta iyo nuxur u yeelidda hadalka, gaar ahaan qaybaha suugaanta.

yooyootan [m.l]
1. Cayaar sii baabba'aysa oo wiilal iyo gabdho laysu caayo, cay kaftan ah oo aan laga caroon: mirihiisu, suugaan ahaanta aad bay u fiicanyihiin haseyeeshee cayda xun oo uu ku dhisanyahay baa dishay. 2. ld yooyootamid.

abwaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. A. ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riw.) Qof riwaayadaha curiya.

abwaanad [m.dh] (-do, m.l)
1. Haweeney curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 2. A. ah: haweeney garasho, aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh.

af [m.l]
(afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.

buug [m.l]
(buug, m.dh/-aag/-ag, m.l) 1. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran, garbad leh oo suugaan amaa saynis ku qoranyahay. 2. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran garbad leh oo aan wax ku qorneyn.

caraatan [m.l]
Kaftan suugaaneed cay ah oon laga caroon oo wiilasha iyo gabdhaha isdhaafsata; yooyootan. ld caraatamid.

caraatan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Kaftan suugaantiisu sarreyso laba dhallinyaro (wiil iyo gabar) ama ka badan isdhaafsasho.

hoobalad [m.dh]
Haweeney u go'day fanka iyo suugaanta; fannaanad.

jacbur [m.l] (-rro, m.dh)
1. Suugaan, gabay iwm oo ula kac loo deelqaafiyey. 2. Waxyaallo aan isku nooc ahayn oo laysku daray.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg