suul
(m.l) (-lal, m.l)

Farta weyn ee sacabka ama cagta ku taal.

suul
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-uulay, -uushay)

Wax dhammaasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suul

jaawi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. ld farjaawi, farjawi. Fardhexada iyo suulka gacanta oo si xoog ah laysugu xoqo ka shanqarin; suuldhabaalayn. 2. Haad turub ka yamxeerin (ciyaar turub).

jaawo [m.dh]
1. ld farjaw. Isku xoqidda suulka iyo farta si ay shanqar u sameeyaan iyadoo nafley loogu baaqayo. 2. Suul-dhabaale la sameeyo marka turub laga yamxeerinayo.

taako [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Cabbiraadda suulka gacanta iyo fardhexaadda oo fidsan u dhexeysa. 2. Wax, wax kale lagu hakiyo.

afarsuulle [m.l]
Muruq afar madax leh oo ku yaal bowdada dhinaceeda sare.

asuul [m.l]
Xeer aan qorneyn oo dad meel wada deggani leeyihiin.

carsaanyo [m.dh]
Naflay badda ku nool oo leh sideed lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato, hor iyo dibba waa u oroddaa; suulogoys; suulalgoys. ld carcarsaanyo.

daa'in [m.l]
Sifo Eebbe oo tilmaamayso suulid la'aantiisa. ld daayin¹.

faragguuto [m.dh] (-ooyin, m.l)
Wax yar oo far iyo suul lagu qaadi karo.

jurbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cidi, far iyo suul iwm jir ku xanuunjin.

mahdar [m.l] (-rro, m.dh)
Musqul; suuli.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg