suun
(m.l) (-uuman, m.dh)

1. Daliig maqaar ama wax kale ka samaysanoo dhexda lagu xirto si uu dharka u celiyo. 2. Siddada alaabta qaarkeed sida dhiilaha, satiyada iwm lagu qaado. 3. Celiye idiin ah oo gadaal iyo horay kabaha ka haya si aysan u siiban.

suun
(m.dh)

1. Ur udgoon. 2. Daal iyo jiirago'safar dheer laga muto.

suun
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-uumay, -uuntay; -uumi)

Wax meel yaal ka qaadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suun

yeelo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-eeshay, -eelatay)
1. Hanti ama wax kale lahaan. 2. Ku y.: dayn cid ku lahaan. 3. U y.: wax aad u danayn. 4. Kab iwm suun u samaysasho.

balaatihelmantis [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam ka tirsan lafdhabarla'da, oo ka kooban gooryaan suunka, astaamihiisana ay ka mid yihiin jidh ballaadhan oo aan maraaryo lahayn, habdhis dareen-wade oo sahlan, kaas oo unugyadiisu u badanyihiin dhinaca madaxa, dheefmareen sahlan oo af mooye aan futo lahayn. Gooryaan suunku waa labeeb, laakiin isbacrimintiisu waa naadir. Jinsiyo badanoo faylamkan ka tirsan ayaa dulin ah.

bayd [m.dh] (-do, m.l)
1. Xarig ama suun xoolaha la rarayo ama heensaynayo gardaadka looga xiro si uu rarka ama koorahu gadaal ugu dhicin. 2. Gardaad.

bayl [m.l]
1. Suun ballaaran, cad oo dun ama maqaar ka samaysan oo ay ciidamadu qaataan. 2. B. ah: biyo aad loo karkariyay. 3. B. ah: midab aad u cad.

dabar [m.l] (-rro/-bro, m.dh)
1. Xarig gaaban, xaskul ka samaysan oo awrka labada lugood ee hore looga xiro si uusan u foogaan. 2. Xarig ama suun jilcan oo saca labada lugood ee dambe looga xiro marka la maalayo. 3. Midab casaan ah oo ilkaha dadka qaarkii yeeshaan.

dhaacle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Xarig dhuuban, afar dhudood ah, labada dacal bul ku leh, ka samaysan dun qurxoon oo gabdhaha dhexda ku xirtaan. 2. Suun ballaaran, bulal lagu qurxiyey oo fardaha qoorta loogu xiro. 3. Hab quruxsan, oo xarkaha afar dhudoodka ah loo sameeyo. ld dhaalce, dhacle.

feygamuur [m.dh]
Nooc kabo soomaaliga ka mid ah oo leh suun dambe iyo mid faraha dushooda saaran, labo maqaar oo adag oo cagta labadeed dhinac kor uga tagaan iyo indhal ay gasho far dhexaadda lugta.

higaag [m.l]
1. Suun ama xarig weelasha qaarkood lagu dhuujiyo si aysan u furmin. 3. Dibbiro, fuur.

hiig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Harag, suun iwm hiige ku xoqid.

hil [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ilay, -ishay)
1. (f.g) Weel xarig, suun iwm afka kaga dhuujin. 2. (f.g) Wax dhowraarin u yeelid. 3. (f.mg) Ku h.: gaadiid wax uu qaadi karo saarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg