suuq
(m.l) (-qyo, m.dh)

Meel si joogto ah la isugu yimaad oo alaabta iyo waxyaalaha ganacsiga ah lagu kala beddesho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suuq

adeeg [m.l]
1. Hadal aan qornayn oo cid loo dhiibo si ay cid kale u gaarsiiso, farriin. 2. Shaqa hoosaad laga qabto guryaha iyo xafiisyada oo aan u baahnayn xirfad gaar ah. Tus. “Adeeggii buu diidey”. 3. Waxyaabaha daruuriga ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay.

adeeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Ka a.: xafiis, guri makhaayad iwm hawl hoosaad ka qabasho. 2. Ka soo a.: waxyaabo daruuri ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay soo iibin.

adeego [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. Cunto maalmeed suuq ka soo iibsasho. 2. Hawl keligii qabsasho (qof).

ahmin [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Ariga intiisa shilis oo la suuq geyn karo. 2. Orgida iyo wananka dhufaanan ee beeca ama hilib loogu talagalay. ld ahmi.

ay [mu.dhm.y]
Magacuyaal yeele oo matala “iyada” ama “iyaga”. Tus. “Maryan Wiil ay tiqiin ayay maanta suuqa ku aragtay”, “Wiilashu guri ay degganaayeen ayay aadeen”.

baaritaan [m.l]
1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. ld baarid².

caanaddiiq [m.l]
Dad caanaha xoolaha suuqa u iib geeya. ld caanateel¹, caanateelley, caanooley (1).

caanaddiiq [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-qay, -qday)
Dad, caanaha xoolahooda suuq u iib geeyn.

caanateel [m.l]
1. ld caanaddiiq 1. 2.C. ah: xoolo lagu dhaqo meel u dhow tuulo ama magaalo si caanahooda loo suuqgeeyo. 3. C. ah: qof dhaqa xoolahaas. 3. ld caanateelid.

caanateel [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-eelay, -eeshay)
Meel magaalo ama tuulo u dhow xoolo ku dhaqid si caanahooda loo suuq geysto. ld caanaddiiq².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg