suurad
(m.dh)

1. Muuqaal ama qaab qof leeyahay. 2. (-do, m.l) 114 qaybood oo quraanku u qaybsamo mid ka mid ah.

suuradayn*

Muuqaal ama fikrad laga aaminsanyahay qof ama shay gaar ah. English: Stereotype


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suurad

bisin [m.l]
(dii.) Aayadda suuradaha quraanku ka wada bilawdaan, mid mooyaane oo ah Bismillaahir-raxmaanirraxiim.

sawir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Gacan ama aalad wax suuraddooda ku muujin.

suuradi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xoolo, dad iwm tiradooda si mala-awaal ah u qiyaasid.

suuradin [m.f.dh]
eeg suuradi.

suur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Badar biyo qashin kaga saarid.

suur [m.l]
Buunka qiiyamo la yeersho maalinta ee uumiga la xisaabayo.

suur [m.dh]
1. Muuqaal qurxoon. 2. (-ro, m.l) Qabaal aan ceelka laga qaadin oo xoolaha laggu shubo. 3. (-ro, m.l) Dhagax, qashin iwm oo badar ku dhex jira.

suur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Seexasho weyn, saq gelid; gam'id.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg