suuraggal
(m.l)

1. Fursad; awood. 2. S. ah: wax dhici kara. ld suurtaggal¹.

suuraggal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-alay, -ashay; -geli)

Wax rumoobi kara noqosho. ld suurtaggal².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suuraggal

in [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo weer dhammaystire ah (weer yeele ah, weer layeele ah iwm). Tus. “In uu imaanayaa waa hubaal”, “Waxaan doonayaa in aan tago”, “Magaaladii buu u tegey in uu dawo soo iibsado”. 2. Eray lagu xiriiriyo weer waqtiley, haddii. Tus. “Bal inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii bal inay fog tahay”. 3. Inta: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Inta aan soo noqonayo”, “Ninku wuu hadlaa intii uu ka noogo”. 4. Waa intaas: malaha, waxaa suuraggal ah in. Tus. “Waa intaasuu yimaadaa ee cunto meel u dhig”.

suuraggelid [m.f.dh]
eeg suuraggal². ld suur-taggelid.

suurtaggal [m.l]
ld suuraggal¹.

suurtaggal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay; -geli)
ld suuraggal².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg