suuxdin
(m.dh)

1. Miyirbeel lala dhaco. 2. Qallal; sarco. ld suuxdimo, suuxtin.

suuxdin
(m.dh)

(daaw.) Isbeddel shaqo maskaxeed oo lagu yaqaan miyir beel iyo qallal soo noqnoqda oo si kedis ah ku bilowda muddo aad u gaaban socota.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suuxdin

dabayl [m.dh] (-lo, m.l)
1. Hawo xoog leh oo dhan u socota. 2. Xanfar; siigo. 3. Rooxaan ama jinniyo la aaminsanyahay in dadka ay marto ku reebto suuxdin ama xubinno qallal. 4. Dhanka dabayshu ka socoto. 5. ld dabeyl.

dhibiib [m.l]
1. Suuxdinta ku timaadda qof dhiig badani ka baxay, dhiigbax. 2. ld dhibiibid. ld dhibib¹.

jidbo [m.dh]
(dii.) Khushuuc diini ah oo qof ku dhaliya in uu is-hanan waayo oo qofku u ekaado mid maqan ama miyirkii ka tegey, badanaana qaylo ama suuxdini weheliso. ld jadbo, jalbo, jibbo, jilbo.

miyirso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Suuxdin ama wax kale oo caqliga dooriya kaddib miyir yeelasho. 2. Qof dhallinyaro ah oo fudud xasilid. 3. Qof sarkhaanay saaxi naqosho. ld miirso.

qallal [m.l]
1. Cudur maskaxeed nafleyda ku dhaca oo suuxdin iyo gariir keena. 2. Cudur nafleyda dhinac naafeeya; dabeyl. 3. ld qallalid.

suuxdimo [m.l]
ld suuxdin.

suuxtin [m.dh]
ld suuxdin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg