suuxi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Nafley wax miyir beelay ka dhigid. 2. Nafley daawo dareenka ka qaadda ku durid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suuxi

dawo-suuxin [m.dh] (-ooyin suuxinta, m.l)
(daaw.) Dawo yareysa ama baabi'isa dareenka oogada oo dhan ama qayb ka mid ah jirka. D.da s.ta oogada oo dhan oo qalliinka loo isticmaalo waxay damisaa shaqada maskaxda taasoo keenta miyir beelid.

dhibiib [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Qof dhiig badani ka baxay suuxid. ld dhibib³.

diidid [m.dh]
(daaw.) Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday.

kookeyn [m.dh]
(daaw.) Alkolooyd laga sameeyey caleenta geedka loo yaqaan kooka (erythroxylon coca) amaba shaybaarrada lagu diyaariyo, waxa loo isticmaalaa dawo suuxiso meel kooban ee jirka, sida: qalliinka isha, dhegta, sanka iyo cunaha.

majasuuxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld manjasuuxi.

majasuuxid [m.dh]
ld manjasuuxid.

majasuuxin [m.dh]
ld manjasuuxin.

manjasuuxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid taagnaan badan ku daahin. ld majaxuusi.

manjasuuxid [m.f.dh]
eeg manjasuux². ld majasuuxid.

manjasuuxin [m.f.dh]
eeg manjasuuxi. ld majasuuxin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg