suuxsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Nafley wax la suuxiyey ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suuxsan

balqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Hoore weel ka buuxa in yar ka daadin. 2. Is b.: wax suuxsan iska dhigid.

caali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Neef lo'ah si loo gowraco luquntiisa fidin. 2. Is c.: nafley, wax suuxsan ama liita iska dhigid.

majasuuxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld manjasuuxsan.

majasuuxsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld manjasuuxanaan.

manjasuuxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax taagnaan ku daalay ahaansho (qof). 2. Naxdin awgeed wax manajaha ka tabardarreeyo ahaansho (qof). ld majasuuxsan.

manjasuuxsanaan [m.dh]
eeg manjasuuxsan. ld majasuuxsanaan, majasuuxsanaansho, manjasuuxsanaan.

suuxsanaan [m.f.dh]
eeg suuxsan. ld suux-sanaansho.

suuxsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld suuxsanaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg