suxul
(m.l) (-llo, m.dh)

Gacanta, meesha cududda iyo dhudhunku iska galaan docda dibadda xigta oo dhuuban marka gacantu laabantahay. ld xusul.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suxul

curcur [m.l] (-rro, m.dh)
1. Meesha ay dhudhunka iyo calaacasha iska galaan. 2. Lafta dheer oo gacanta ee u dhexeysa suxulka iyo jalaqleyda.

maqaardhac [m.l]
(daaw.) Cudur muddo dheer oo maqaarka ku dhaca, waxa lagu yaqaan haaro qolfo leh oo cuncun badan oo ka sameysma suxullada, dhudhummada, jilbaha, lugaha, madaxa iyo meelo kale oo jirka ka mid ah.

suxulduub [m.l]
1. Orod gaaban oo gacmuhu laaban yihiin oo la ordo. 2. ld suxul-duubid.

suxulduub [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Iyadoo gacmuhu laaban yihiin ordid. 2. U s.: wax qabashadooda u ordid. ld xusulduub².

suxulduubid [m.f.dh]
eeg suxulduub². ld suxuulduub¹ (2), xusulduubid.

xusul [m.l]
ld suxul.

xuubka saynuufiyal [m.l] (-lo, m.dh)
(c.nafl.) Xuub ka samaysan nudo isku xidhayaal, kaas oo sameeya kiish ku wareegsan kala goys dhaqdhaqaaq samayn kara, sida kala goyska suxulka, oo labada dhinacba kaga dhegsan laf. Kiishka waxaa ka buuxa dheecaan isjiidanaya oo subka korka sare ee carjowda kala goyska.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg