tabane
(m.l) (-nayaal, m.l/dh)

1. (kiim.) Laba saldanab oo isla eg ee walxuhu leeyihiin middood oo elektaroonadu xambaarsan-yihiin. 2. (xis.) Tiro xisaabeed oo eber ka yar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tabane

ugu hooseeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber.

atam [m.l] (-myo, m.dh)
(fiis.) Saxarka ugu yar ee curiye jiri kara kana qaybqaadan kara falgal kiimikaad. Waxa uu ka koobanyahay bu' iyo elektaroonno ku dul wareega. Bu'du waxa ay siddaa saldanab togane ah, elektaroonnaduna waxa ay sidaan saldanab tabane ah. Atamku danabneg ahaan waa dhexdhexaad. ld atom.

elektaroon [m.l] (-nno, m.dh)
(fiis.) Saxar saleed sita saldanab tabaneed.

fallaadho-qotin-tabane [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
(fiis.) Durdur elektaroono oo ka soo baxa qotin tabanaha tuubbada madhan ee leh qotin tabane iyo qotin togan.

qotintabane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(kiim.) Qotin leh kayd danab taban, soona jiita ayoonnada togan, marka danab-soociddu dhacayso, waana bixiye elektaroon.

takoore [m.l]
(xis.)Tibixda (b2-4ac) ee isle'eg saabley ee leh sansaanka ax2+bx+c=0. Haddii xididdada isle'egtu ay isle'egyihiin, takooraha waa eber. Tusaale ahaan, isle'egta x2-4x-6=0, b2-4ac=25 xididdaduna waa 2 iyo -3. Haddii takooruhu yahay tabane, xididdada isle'egtu waa tirooyin murakab ah. Tusaale ahaan, isle'egta x2+x+1=0 waxa ay leedahay xididdada [-1/2-(V3/2)]i iyo [-1+(V3/2)]i.

tirooyin-khayaali [m.l]
(xis.) Tiro murakab ah oo leh sansanka a+bi oo b aan la'ekayn eber, aas oo, a iyo b yihiin tirooyin maangal ah, iyo i = -1. Ama waa tiro labajibbaarkeedu uu yahay tabane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg