tacliin
(m.dh)

Aqoon habaysan oo la barto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tacliin

tacliimi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid tacliin barid.

tacliinsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof tacliin leh ahaansho.

tacliinsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tacliinsan. ld tacliinsanaansho.

tacliinsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld tacliinsanaan.

tacliinxumo [m.dh]
Waxbarasho la'aan.

arday [m.l]
(arday/ardo, m.dh) 1. Qof tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. (dh.) Ilmo duqsi quraan dhigata.

ardayad [m.dh]
1. Gabar tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. Gabar dugsi quraan dhigata.

iskool [m.l] (-llo, m.dh/-laad, m.l)
Meel dhisan oo ardada tacliinta lagu baro; dugsi. ld iskuul.

qalinjebi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Quraan dhammeyn (arday). 2. Tacliin dhammeyn. 3. Ka q.: dugsi sare ama jaamacad la yaqaan ka soo bixid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg