taf
(m.dh) (-fo, m.l)

1. Maro dacalkeed. 2. Bowdada inteeda hoose.

taf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)

1. Meel aan sallaan loo fuulo lahayn korid. 2. Cid turunturreyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taf

tafaaful [m.l]
1. Saadaal xun oo cid lala helo. 2. Sixir; fal. ld tafaawul¹.

tafaaful [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
1. Cid sixrid; falid. 2. Saadaal xun la helid. ld tafaawul².

tafaafulid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tafaaful². ld tafaawulid.

tafaal [m.l] (-llo, m.dh)
Wadiiqo yar oo isku xirta laba waddo oo is barbarsocda.

tafaariiq [m.dh]
Iibinta badeeco kis kis loo iibiyo.

tafaasiil [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Faahfaahin.

tafaawul [m.l]
ld tafaaful¹.

tafaawul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
ld tafaaful².

t [m.dh]
(ta') Xarafka sagaal iyo tobnaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg