tagoog
(m.dh)

Xubinta cududda iyo majinta u dhaxaysa. ld tagoogo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tagoog

baaqin [m.dh]
Summad alif ah oo idaha shanshada ama tagoogta loogu dhigo.

dhaaddin [m.dh] (-imo, m.l)
Summad geela lagu dhigo oo ah xarriiq goobaaban oo dadban oo tagoogta lagu dhigo.

iskutaallo [m.dh]
Shanshada iyo bowdada ama tagoogda iyo cududda ee nafleyda.

jugleyn [m.dh]
(daaw.) Hirar cadaadis ah oo is daba joog ah oo dhex maraya halbowle waxaana keenay iskuroorka hannaansan ee muruqa qolka bidix ee wadnaha, sidaas darteed waxay u dhigmaan xawliga garaaca wadnaha inta goor uu wadnuhu (garaaco/daqiiqaddiiba) waxa si sahal ah looga dareemi karaa halbowlayaasha meel soke ku yaal, sida halbowlaha kalka dibadeed ee tagoogta (radial artery) ama halbowlaha luqunta (karotid artery).

shalfo [m.dh]
Nabar ku samaysma tagoogta geela afkeeda kore marka shafku xoqo.

tagoogo [m.dh]
ld tagoog.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg