tagto
(m.dh)

Waqti la soo dhaafay.

tagto
(m.dh)

(nax.) Qaab faleed tilmaama ammin tagay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tagto

saanqaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Ilmo yar socod billaabid. 2. Cid meel ka tegeysa socod billaabid. 3. Cid meel ay joogtay si ay uga tagto sixir ku samayn.

carragguur [m.l]
Ka tegidda carrada nafaqada leh ka tagto dhul, daad, dabayl iwm awgeed. ld carroguur.

tag [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Guur. 2. Nasiib.

tag [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay; -tegi)
1. (f.g) Cid meel aadid. 2. (f.mg) Ka t.: wax dayn ama dhaafid. 3. (f.mg) Kala t.: cid wax kala baxsasho; kala bixid. 4. (f.mg) U t.: u imaansho; la kulmid; nin naag u galmoosho. 5. (f.mg) Ku t.: meel la tagayo gaadiid u raacid; wax la qaatay ka samrid. 6. (f.mg) Ula t.: arrin iwm cid la kaashad. 7. (f.mg) Uga t.: wax cid ku dhaafid. 8. (f.mg.) La t.: qaadasho; wadasho; kaxaysasho; raacid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg