tahar
(m.dh) (-ro, m.dh)

1. Hilib aan baruur iyo jiir midna lahayn oo adag. 2. Hilib weyd ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tahar

kollajiin [m.l] (-no, m.d)
(c,nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.

mud [Magac Lab | Noun Masculine]
Cad, tahar iyo baruur isugu jira oo shafka iyo candhada u dhexeeya (geel).

taharow [m.dh]
(daaw.) Soohyada oo adkaada si dadban waxay ka timaaddaa dhaawac buskooday ama raystay.

taharowga halbowlayaasha [m.l]
(daaw.) Qayb xididka gudihiisa ka mid ah oo adkaatay ka dib markay xayri fariisatay, taasu waxay yaraynaysaa wareegga dhiigga waxayna keenta in xididku xirmo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg