talin
(m.f.dh)

eeg tali. ld talis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh talin

aayakatalin [m.dh]
Ka tashiga cidi ka tashato mustaqbalkeeda wixii ay ka yeeli lahayd. ld aayakatashi.

arrimi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Ka a.: arrin, talo ka dhiibid. 2. U. a.: cid u talin.

kootalinimo [m.dh]
Kootali ahaansho (nin).

matag [m.l]
(daaw.) Wixii caloosha ku jiray oo afka si xoog ah uga soo baxa, waxaana keena fal aan loo talin.

naseexee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-xeeyay, -xaysay)
1. U n.: cid daacadnimo ula talin. 2. U n.: cid u danayn. ld nasteexee.

talis [m.l]
ld talin.

xor [m.dh]
1. Wuxuu doono samayn kara; aan cidi u talin; wuxuu maskaxdiisa ka maago samayn kara isagoo aan cidna kala tashan; isu taliya; madax bannaan; aan hawl ama shii-daad kale horjoogin ama xayirayn. 2. (-ro, m.l) Dacal (dhar); daraf; serji.

tal [m.l]
1. Dun xariir ah oo maryaha lagu qurxiyo. 2. T. ah: qof aad u marqaansan ama u sarqaansan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg