taliye
(m.l) (-yayaal, m.l/dh)

Qof qayb ciidan ah madax u ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taliye

saab [m.l] (-bab, m.l)
1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye. taliye

abbaanduule [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof taliye u ah col duullaan ah. 2. Taliye-xigeenka gaas, guuto, qayb iwm ee ciidamada. ld ammaanduule.

kaligitaliye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Qof madax ah oo aan talada cid kale wax ka siin. 2. Qof madax adag. ld keligitaliye.

keligitaliye [m.l]
(keligood taliyayaal, m.l/dh) (siyaa.) Hoggaamiye waddan ku qabsaday xoog, awoodda xukunkana ku haysta si kelinnimo ah, tashi la'aan. ld kaligitaliye.

lataliye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof aqoon gaar ah ku taqasusay oo arrimaha la xiriira kala taliya madax dawladeed ama hay'adeed iwm.

tali [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. U t.: cid meel xukumid. 2. Ka t.: meel xukunkeeda qabsasho. 3. Ku t.: arrin talo ka bixin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg