tallaabo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Fogaanta u dhexeysa meesha ay kala taagan yihiin laba lugood ee qof soconaya. 2. T. qaad: arrin wax ka qabasho. 3. (fk) T.t.: tartiib tartiib. ld tillaabo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tallaabo

gaallisee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -seysay)
1. Durbaan la garaacayo tallaabo la helid. 2. Cid ku dul wareegid.

saandambee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-beeyay, -baysey)
1. Tallaabo gaabin. 2. Ka s.: cid lala socday in yar dib uga harid.

algoordan [m.l] (-amo, m.dh)
(xis.) Urur qaanuunno ah oo hagaag u qeexan, loona adeegsado furfirista mas'alad iyada oo la qaadayo tallaabooyin tiradoodu koobantahay.

cirfiidad [m.dh]
Wiish silig koronto leh ku socda oo qararka iyo buuraha dhaadher la isaga tallaabo.

dool [m.dh] (-llo, ml.)
1. Labada qaybood ee barida dadka ama idaha middood. 2. Doon yar oo webiyada looga tallaabo.

gudbe [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
(nax.) G. ah: fal wax qabadkii u tallaabo wax kale ama yeele iyo layeele u baahan. Tus. “Cali baa aqalkii dhisay”.

jibaal [m.l]
1. (-llo, m.dh) Cabbir dhul beereed 25 tallaabo oo labajibbaaran ah. 2. Ded dhismo dhagax ah korka laga saaro.

meertada Kaalfin [m.dh]
(baay.) Tallaabooyinka ka dhaca heerka mugdiga ee footoosintasiska, kaas oo uu yaraado karboonka laba ogsaydhku iyada oo la isticmaalayo haydroojiin la soo saaray heerkii ilayska; lagana sameeyey kaarboohaydaytyo, isla markaana la isticmaalayo tamarta ATP oo iyana samaysantay xilligii ilayska.

rigoore [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Laad xor ah oo laga gano meel 11 (kow iyo toban) tallaabo u jirta goolka afkiisa (kubbadda cagta).

shagcad [m.dh] (-do, m.l)
1. Cad. 2. Tallaabo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg